Wasiir Xilkiisa Laga Qaadaayo..

Uncategorized

Macluumaad hordhaca ah ayaa ka soo baxaya sababta rasmiga ah ee ka dambeysa inuu tartanka doorashada Galmudug isaga haro madaxii hore ee NISA C/raxmaan Tuur Yare.

Xogtaan oo la soo gaarsiiyay Aarka Diinah Blogs ayaa tilmaameysa In Mr.Tuur -yare loo sameeyay  balanqaadyo uu bixiyay Mr.Farmaajo, taasoo ah mida soo dadajisay inuu dib u liqo hankiisii siyaasadeed ee Galmudug, Sida wararka aynu ku heleyno, Tuur Yare waxaa lagu qanciyay in loo magacaabayo Wasiirka Amniga Soomaaliya, iyadoo xilkaasna laga qaadi doono Wasiir Maxamed Abuukar Isloow oo 3 Aano xafiiska fadhiya, wuxuuna Shirko ganacsi la yahay Mr.Kheyre.

Lama oga suurta galnimada in xilka laga qaado Mr.Islow oo ah shaqsiga dhaqaalaha ugu badan ku bixiya kala fur furista culeysyada Siyaasadeed ee ay la kulmaan Mr.Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre.

15780cookie-checkWasiir Xilkiisa Laga Qaadaayo..