Ma Dhabaa in 3-Agaasime oo ka tirsan Golaha Bankiga Dhexe ay iscasileen & Sababta..

Uncategorized

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Saddex Agaasime oo aan ka mid ahayn Agaasimayaasha Bankiga dhexe ee Somalia ayaa is-casilay kadib markii dib loo magacaabay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo xilka hayn doona afar sano oo soo socota..

Wararka ayaa sheegay in Mr.Sakhawadiin Mustafe Maxamed, Mr.Cismaan Salaad Gabeyre, iyo Mr.Cabdisamad Nuur Xasan oo xilal muhiim ah ka soo qabtay hawlaha shaqo ee Bangiga dhexe, ayaa sabab uga dhigay is-casilaadooda lama filaanka ah ee xubnaha Guddiga ayaa dhalisay walaac iyo hadal heyn ku aadan sababaha ka dambeeya go’aanadooda.

Guddoomiyaha CBS, oo haysta laba dhalasho oo Somali-Norwegian ah, wuxuu Shahaadada koowaad ee jaamacadda ka qaatay Maamulka ganacsiga jaamacadda Norway University of Technology and Science, Masters in Finance iyo International Banking wuxuu ka qaatay jaamacadda John Moores ee magaalada Liverpool. Dib u magacaabista cajiibka ah ee Abdullahi waxay soo bandhigtay waayo-aragnimada kala duwan ee dhinacyada dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Norway, Boqortooyada Ingiriiska iyo Yemen.

Shaqo ka tagistaan Xubnahaan muhiimka ee Guddiga ee khibradda leh ayaa walaac laga muujiyay inuu isku dhex yaac ku yimaado hab-maamulka iyo habraacyada go’aan qaadashada, iyadoo dhaqaalayahannada, siyaasad-dejiyeyaasha, iyo hay’adaha maaliyadda ay si dhow ula socdaan xaaladda si ay u qiyaasaan saameynta ay ku yeelan karto shaqada Bangiga dhexe

267790cookie-checkMa Dhabaa in 3-Agaasime oo ka tirsan Golaha Bankiga Dhexe ay iscasileen & Sababta..