Howlaha Baarlamaanka Oo Halis ku ah Xildhibaanada Kala Taageersan Garabyada Dagaalka Sool…

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Xildhibaanada kala taageersan Garabyada Somaliland & Maamulka SSC-Khaatumo, kadib markii dagaalkii Jimcihii looga toog roonaaday Xoogagii Somaliland lagana qabsaday Fariisinkii Goojacadde iyo tiro badan Maxaabiis ah..

Wararka ayaa sheegaya in Qadiyada degaanaasi si kulul looga dooday Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo mudanayaasha Baarlamaanka qaarkood ay kalfadhiga kasheegeen in aan laga doodi karin Dastuurka inta ay Maamulka Somaliland ka maqan tahay, halka kuwa kale ay si cad u sheegeen in Dastuurka lagu qeexo Gobolada Waqooyiga.

Ku darsoo Xildhibaanada Waqooyiga ayaa ku eedeeyay in ka Maqnaansha kulamada Golaha Wadataahiga Qaran oo looga hadlaayo Qabya tirka Dastuurka Madaxweynaha Puntland iney u afduubnaato Arrimaha Dastuurka bacdamaa uu diiday inuu ka soo qeyb galo Wadatashiga, baaqyo badan oo loo jeediyayna dhegaha ka fureystay.

Iyadoo Maamulka Dani ee muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ayaa xaqiijiyay in Maamulkiisa uu cidna kala hadli doonin dhameystirka Dastuurka inta ay ka maqan tahay Maamulka Somaliland, go’aankaan ayaa u muuqda mid lagu horjoogsanaayo in Shacbiga Magaalada Mogadishu ay dhistaan Maamul ay soo doortaan.

274660cookie-checkHowlaha Baarlamaanka Oo Halis ku ah Xildhibaanada Kala Taageersan Garabyada Dagaalka Sool…