Ilaalada Qorqor Oo Jir-dilay Wasiir Hore

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanka Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay fiidkii lagu jirdilay Cabdisamad Macalin Maxamuud, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha & Amniga Somaliya, kadib markii ay u gacan qaadeen Ilaalada Qorqor…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Wasiirka hore ay si ula kac ah u jirdileen Ilaalada ee Madaxweynaha Galmudug (Qoorqoor) afaafka hore Hotel Sahal, oo xiligaasi ay ka socotay munaasabad lagu daahfuraayay Jaamacadda Ceynul-Hayat, oo shalay galab uu xariga ka jaray Madaxweynaha Galmudug, waxaana uu Wasiirka ka mid ahaa Mas’uuliyiintii munaasabadaasi lagu soo casuumay.

Goobjoogaha oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa u sheegay Warsidahaan inuu arkaayay Ilaalada oo qaybta dambe ee qoryihii ay wateen la dhacaya Cabdisamad Macalin Maxamuud, oo ah wiil uu dhalay Hoggaamiyihii Ahlu Sunna Waljameeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax.

Wafdiga Madaxweyne Qoorqoor oo buuqii bannaanka ka jiray ku soo baxay ayaa bilaabay inay xaaladda qaboojiyaan, iyagoona gudaha hotelka u soo geliyay Cabdisamad Macalin Maxamuud.

66610cookie-checkIlaalada Qorqor Oo Jir-dilay Wasiir Hore