Qeylo Dhaan Laga soo saaray Hab-Dhaqanka Howl-wadeenada Safaarada Somalia ee Addis Abeba

Somalia news

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool caasimada Ethiopia ayaa cabasho xoogan ka muujiyay hab-dhaqanka hooseya ee Howlwadeenada Safaarada Somalia ee Addis abeba kuwaasoo dhibaato xooggan ku haya Shacabkii Soomaaliyeed ee adeega u doontey, sida ay sheegayso xog soo gaartey Warsidahaan..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adeega u doonta Safaarada Somalia ee Addis abeba ay dhibaato xooggan ka haysato sidii ay ku heli lahaayeen Dukumentiyada la xiriira safar caafimaad iyo mid waxabarasho ku tagaan dalka India, Iyadoo Xaruntaasi ay noqotay goob ganacsi oo dhaqaale lagugu xujeynaayo.

Qoraal dhawaan ka soo baxay Safaaradda Indiya ee Kenya ayaa lagu sheegay in dal-ku-galkii (visa) ay siin jirtey dadka wata Baasaboorka Soomaaliga loo wareejiyey Safaaradda ay ku lee yihiin Adis Ababa ee dalka Ethiopia, Qunsulka Safaaradda xiligaan ah Siihayaha Safiirka nin lagu magacaabo Cali Xuseen Attam iyo koox ku xiran, ayeey halkaas uga muuqatey fursad uu dhaqaale uga sameyn karo, kadib markii safaaradda India ay ku xujeysey dadka Soomaaliyeed qoraal ah is-faham ah oo diblomaasiyadeed (note verbale), maadaama dal saddexaad ay ka dalabanayaan viisada.

Qunsulka iyo Dalaaleydiisa ayaa mashruuc macaash ka dhigtay waxaana uu sameeyey wakiilo gaar ah oo bixiya kuwaasoo Muqaadiniina ka qaata $50 dollar, waxa taas dheer, in wakhtiga lagu helaayo uu ka dhigey 7 maalmood, Mas’uulkaan ayaa ka haray Kooxdii Farmaajo, waxeyna Muwaadiniinta cod dheer ku dalbadeen Maamulka Xasan Sheekh iyo Wasaarada Arrimaha Dibeda iney soo fara geliyaan oo Burcadaan ka qabtaan.

229310cookie-checkQeylo Dhaan Laga soo saaray Hab-Dhaqanka Howl-wadeenada Safaarada Somalia ee Addis Abeba
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com