Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Gobolada Waqooyiga Oo Looga Yeeray Villa Somalia

Somalia news

Waxaa lagu wadaa in maanta kulan quraac ah oo lagu casuumay dhamaan Wasiirada, Senatarada iyo Xildhibaanadda ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka (Somaliland), kaasoo ka dhici Doona Xarunta Villa Somalia…

Xoggo lagu kalsoon yahay oo la soo gaarsiiyay Diinah.com news ayaa sheegeysa in farriimo loo diray xubnahan loogu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan casuumaadaas oo ah mid kala war-qaadasho ah.

Mr.Farmaajo ayaa la filayaa inuu warbixin ka siiyo shirkii Wada hadalada Somalia iyo Somaliland ee todobaadki hore uga qeyb galay Jabuuti iyo qodobo ku saabsan doorashooyinka oo Kuraasta Gobolada Waqooyi lagu dooran doono Muqdisho.

Villa Somalia ayaa dooneyso inay saameyn weyn ku yeelato Xildhibaannada ka imaanaya Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee lagu dooranayo magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, si ay u soo saarato xubno door ku yeelan kara sidii madaxda hadda dib kursiga ugu soo noqon lahaayeen.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo kamid ah xildhibaanda ugu saameynta badan ee ka soo jeeda deegaanada Somaliland ayaa fadhigii shalay ee baarlamaanka ka sheegay in doorashadooda aan lagu qaban karin oo kaliya magaalada Muqdisho, balse ay deegaanada kale ee dalka kuraastooda geysan karan, si lamid ah xildhibaanada kale ee haatan dadaaladaasi wada.

43230cookie-checkXildhibaanada Ka Soo Jeeda Gobolada Waqooyiga Oo Looga Yeeray Villa Somalia