Maxaa Hogaanka Villa Somalia ka Hortaagan in La-Dagaalanka Musuqa, Eexda iyo Qaraabo-Kiilka..

Uncategorized

Iyadoo Bilihii ugu Dambeeyay uu Maamuulka Villa Somalia uu Khudbado Siyaasadeed ka jeedinaayay lidi ku ah Boobka Hantida Shacbiga, Musuqa, Qaraabo-kiilka & Eexda

Masaajidka Madaxtooyada, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Laba Wasiir oo Maamulkiisa ka tirsan lagu eedeeyay iney qorteen oo Shaqaaleysiiyeen Qaraabadood iyo Ehelka Madaxweynaha..

Madaxweynaha oo ayaa si adag uga ka hadla musuq, Qaraabo kiilka, Eexda iyo Nin jecleysiga, hadana wuxuu xilal u magacaabay xubno qoyskiisa ka tirsan (Gabadhiisa Jihaan La-taliye & Wiilkiisa Kaaliye), halkii uu ku socon lahaa habraac sax ah oo hufnaan ka muuqato, Eexda Madaxweynaha waxay su’aal gelisaa kalsoonida Maamulkiisa, Marka ay madaxdu ku dhaqaaqaan eex halkii ay ka ahaan lahaayeen magacaabis ku dhisan Mudnaan iyo Aqoon, talabaadani waxayna wiiqeysaa awooddooda arrimaha la xisaabtanka iyo hufnaanta, Madaxweynuhu ma filan karo in Shacbiga ay ku kalsoonaadaan hadaladiisa la dagaalanka musuq-maasuqa marka uu tusaale u noqon waayo.

Xogtaan ayaa sheegaya in Wasiirada Duulista Iyo Hawada iyo kan Ganacsiga & Warshadaha Dowlada, Fardoosa Cusmaan Cigaal iyo Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ay shaqaaleysiiyay Eheladooda iyo Qaraabada Qoyska Madaxweynaha, Ficiladaan ayaa u muuqda mid lagu baneysanaayo Boobka Hantida iyo awoodaha Xafiiyada ay Mas’uulka ka yihiiin, iyadoo Xafiiska Hantidhowr uu noqday Aalad lagu caburiyo Muwaadiniinta ka aragtida duwan Madaxweynaha.

Halkaan Ka eeg Liisaska ay Shaqaalaha u qoreen labada Wasiir:-

267550cookie-checkMaxaa Hogaanka Villa Somalia ka Hortaagan in La-Dagaalanka Musuqa, Eexda iyo Qaraabo-Kiilka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com