Ma Dhabaa in Deni uu si Isbaaro uu u dhigtay Heshiiska Hordhac ah ee Awoodaha Dowladda Federaalka & Maamulada

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Kulanka Golaha Wadatashiga Qaranka uga socda Villa Somalia, Shirkaan oo si gaar ah looga dooday Qodobo ka haray Kulankii hore kuwaasoo Dhinacyadu dib wada tashi ula noqdeen degaanadooda, hadda la yimid iyagoo soo lafa guray, waxaana ja mid ah:-

-Xadeynta Awood Dowladda Federaalka iyo Maamulada.

-Nidaamka Federaaleynta Garsoorka & Cadaalada.

-Warbaahinta iyadoo Dowladda Federaalka la siiyay awooda xaqa Dhowrista xogta

-Arrimaha Dibeda oo Dowlada Federaalka loo madax baneeyay

-Arrimaha Difaaca waxaa lagu wadaa in la wada qeybsado, balse Dowladda Federaalka ayaa loo awood siiyay dhanka Kormeerka.

-Caasimada Mogadishu oo la isla meel dhigay iney Dowlad Goboleed noqoto.

Isku soo wada duub, Hogaamiyayaashaan ayaa Doon wada saaran halka Naaquudaha (Xasan Sheekh) uu ku jiro xili jahwareer ah, wuxuuna isku dayayaa inuu bedelo siyaasadihii Maamulkii ka horeeyay, isla markaasna u ekeysiiyo sidii uu Maamulkiisu ku sii jiri karo, talaabadaasi oo curtaamisay dhismaha Hey’adaha Dowliga ah, sarane u qaaday wax is daba marinta.

Deniga Puntland oo aad uga careysan Qaabka loo la dhaqmay ayaa gebi ahaan diiday inuu ka hadlo, wuxuuna shuruud uga dhigay in Dowladda Federaalka iyo Maamulkisa ay kawada hadlaan Qodobada miiska saaran, iyadoo la sheegay in Xildhibaanada Ilhaan Cumar iyo Saraakiisha Safaarada USA ay ku guuleysan waayeen iney wax badan ka bedelaan mowqifkiisa iyo qorshihiisa isbaarada ah.

Laftagareen waxaa culeys ka hayaa magaalada Baydhabo, isagoo ka cabsi qaba in magaalooyinka kale ku fideen awoodiisana la wiiqo bacdamaa Ciidamadii Ethiopia ee kursiga ku hayay ay dhabarka u jeediyeen.

Axmed Madoobe oo 12-sano xukunka xoog ku heystay xiligaan diyaar uma ahan in Ciidamada ka amar qaata oo beeshiisa u badan inuu Shababka kaga xoreeyo Xarunta dhexe ee Maamulka Jubbaland, wuxuuna iska ilaalinaaya Makeeshiyaadka garabyada hubeysan ee Beesha Mareexaan.

Qorqor oo xiligaan agoon siyaasadeed ah isla markaasna Nabadoobadiisii iyo Ganacsatadii Beeshiisa khiyaameeyay si uu maalmo u sii heysto talada Maamulka Galmudug, ayaa u muuqta inuu qaaday wadadii Farmaajo Guudlaawena wuxuu ku gowracan yahay halka ay maraan Lafta gareen iyo Qorqor.

233480cookie-checkMa Dhabaa in Deni uu si Isbaaro uu u dhigtay Heshiiska Hordhac ah ee Awoodaha Dowladda Federaalka & Maamulada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com