Ma Laga Yabaa In Galmudug Colaad Sokeeye Cagaha La Gashay

Somalia news

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaaya Xalaada Colaadeed ee ka taagan degaanka Guricel, kadib markii dagaal kooban uu Maanta ka dhacay degaanka kaasoo dhaliyay khasaare too badan dhinacyada isku haya Magaalada, iyadoo Xoogaga Ahlu Sunnada ay dib ugu gurteen dhinaca Waqooyiga…

Shaqsi Taageersan Maamulka Qorqor ayaa sheegay in Xoogaga Suufiyada ay dib uga baxeen Magaalada, inkastoo warar kale ay sheegayaan in Xoogaga Suufiyada ay weli ku sugan yihiin dhinaca waqooyiga Magaalada, waxaana jirta cabsi xoogan oo ah in Dagaalka dib u qarxo.

UNOCHA ayaa sheegtay in Dadka Rayidka oo degaanka ku noolaa oo tiradoodu lagu qiyaasay 100,440-Qof ay ka barakaceen guryahooda, kuwaasoo dhibaatooyin beni-aadinimo ku heysto toolooyinka ku xeeran Magaalada, iyadoo aysan muuqan cid gargaar u fidisay, Farmaajo iyo Qorqor ayaa ku faraxsan barakicinta maatada, Dagaalkana ka leexiyay Kooxaha argagixisada Shababka Iyo Daacishta.

Galmudug ayaa lugaha la gashay colaad sokeeye kuwaasoo saameyn kara Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacbiga Ee lagu wado iney dhowaan ka bilaabaato Gobolo dhowr ah, iyadoo Xaalada ay abuureen Farmaajo iyo Qorqor ay abuuri karto in Dhuusa mareeb iyo Konfurta Gaalkacyo lagu qaban waayo.

147270cookie-checkMa Laga Yabaa In Galmudug Colaad Sokeeye Cagaha La Gashay