Isbedel Lagu Sameeyay Hogaanka Ciidamada Ilaalada Wasiirka 1-aad

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa isbedel lagu sameeyay Madaxii Horinta 3-aad ee Ilaalada Madaxtooyada gaar ahaan qeybta qaabilsan Xafisyada & Hoyga Wasiirka 1-aad, kadib markii uu dayac ka muujiyay hanaanka ilaalinta…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Sarkaalka lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Codey) uu jebiyay Hanaanka amaanka ee Ilaalada Xeyndaabka Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka, waxaana lagu eedeeyay inuu soo daayay 5-Xubnood oo hubeysan ka tirsan NISA.

Qeybta CC Camera-da Guriga Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qabatay 5-ta Nin oo koray guriga dabaqa ah uu deggan yahay  Saacid Shirdoon Ra’iisal Wasaarihii hore , kadib markii la ogaaday in halis ay gashay xaaladda Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa si deg deg loo badalay Codeey oo ah mid udhashay beesha Mareexaan waxaana xilkaasi hadda loo magaacaabay Gaashaanle Maxamed Cabdi Yare.

Ciidamada kusugan Xafiiska RW Rooble oo isugu Amisom & Boliiska Dableyda ayaa heegan la geliyey tan iyo markii xalay NISA Shaacisey digniin amni oo loo diray Farmaajo iyo RW Rooble, iyadoo kooxda Shababka iska fogeeyeen iney qorsheynayaan weeraro.

180170cookie-checkIsbedel Lagu Sameeyay Hogaanka Ciidamada Ilaalada Wasiirka 1-aad
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com