Maxaa Hogaanada Puntland ka Hortaagan iney Dadka Degaanka Gaarsiiyaan Doorasho..

Somalia news

Hogaan kasta oo Maamulka Puntland soo maray ilaa hadda wuxuu ogaa in shaqadii loo igmaday ay ka mid ahayd in Puntland laga saaro nidaamkii hore, oo ay Odayaasha Dhaqanku soo xuli jireen Xildhibaanno markaas dooran lahaa Madaxweynaha, loona gudbi lahaa nidaam cusub oo ay dadku dooranayaan wakiiladooda iyo Madaxweynahooda…

Hogaamiyayaasha Puntland markii ay garteen in aysan suurta gal ahayn in doorasho hal qof iyo hal cod ah la qabto marka ay waqtigoodu dhamaato, waxay ku dhiirri-galiyeen Barlamanka inay go’aan ka gaaraan dariiqa loo marayo, Xildhibaanada oo aan haysan wax kale oo aan ka ahayn in ay dib ugu laabtaan nidaamka kaliya ee ay ku heshiiyeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso, ayaa mar walba go’aan ku gaarayay in la sii wado nidaamkii hore ilaa laga helayo nidaam kale oo lagu heshiiyo.

Mr.Deni oo sidoo kale balaqaaday in marka uu dhamaado muddo xileedkiisa uu ku guuleysan doono hal qof iyo hal cod, wuxuu isku dayay in uu ku guuleysto in si tijaabo ah loo qabto saddexdii degmo ee ugu horeysay. Doorashadii ka dhacday saddexdaas degmo ayaa intooda badan guulo laga gaaray. Xubnaha doorashada ayaa la siiyay waqti ku filan oo ay ku ogaadaan nooca doorasho ee la qabanayo, iyadoo inta badan dadka isku diiwaangaliyeen inay codeeyaan. Musharixiinta Golaha Degaanka ayaa olole u galay xilalkooda, waxaana hogaanka ku meel gaarka ah ee guddiga doorashada Puntland ee TPEC ay u muuqdeen kuwo aan ka madax banaan faragelinta Dowladda.

Halkaa marka ay marayso ayaa la sheegay in Madaxweyne Deni aanu jeclayn natiijada ka soo baxday doorashadaas, isla markaana ay ula muuqatay in hannaanka doorashadaas aanay ahayn mid uu ku sii socon karo si uu ugu guulaysto madaxtinimada dalka. Hawshu waxa ay u muuqatay mid muddo hakad ku jirtay, waxaana ay muddo ku qaadatay in dadkii la doortay ay yimaadaan xafiisyadooda oo ay shacabka ugu shaqeeyaan.

Waxa u caddaatay in haddii uu nidaamkaas raaco ay u badan tahay in aanu gaarin doorasho uu maanka ku hayo—hal qof iyo hal cod ka hor inta aanay muddadiisa dhammaan. Habka kaliya ee u suurtagashay isaga ayaa ahaa hannaan la dadajiyay, kaasoo lagu gaari karo natiijadii uu ku talaabsaday si kasta oo lagama maarmaan ah. Isla markiiba waxaa cadaadis lagu saaray hogaanka TPEC, ilaa heer ay is casileen. Wasiirkii Arrimaha Gudaha ayaa lagu bedelay mid kale oo diyaar u ahaa inuu la socdo qorshaha Madaxweyne Deni.

Maamulka soo socota, ama uu hogaamiyo Mr.Deni ama cid kaleba, waxay heysataa Fursad, waxayna xaqiijin kartaa in doorasho hal qof iyo hal cod ah ay ku qabsoomi karto dhamaadka muddada xilka, Barlamaanku waa inuu ka fiirsadaa dhamaan qodobada aan kor ku soo xusnay ka hor inta aysan go’aansan muddo kordhinta xukuumadan.

261570cookie-checkMaxaa Hogaanada Puntland ka Hortaagan iney Dadka Degaanka Gaarsiiyaan Doorasho..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com