Qoys Awood loogu Sheeganaayo Dhul ay Degan yihiin Oo lagu yiri Ma Heysan kartaan…

Somalia news

Qoys Soomaaliyeed oo degan magaalada Mogadishu ayaa soo bandhigay tacdiyo muddo lagu hayey oo sababtay in aabaha reerka uu xabsiga dhexe u galo, iyagoo cabashadooda u gudbiyay Garsoorka Maxkamada Gobolka & Kuwa Argagixisada…

Xogta ayaa sheegtay in Dhibane Sahal Daahir Cigaal oo degan Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid 4-tii Bisha Juun 2023-dii laga qafaashay Hogyiisa laguna xiray Xabsiga Saldhigga Boliiska Yaaqshiid muddo 3-maalmood kadibna loo gudbiyay Xabsiga Dhexe, iyadoo la sheegay in lagu heysto Gurigii uu ku dhashay kuna barbaaray.

Falkaan cadaalad darrada ah waxaa ka dambeeya, siday qoysku sheegayaan, ganacsato iyo Siyaasi Madax ka ah Maamul Goboleedyada Dalka midkood oo doonaya inay qaataan guri booska koowaad ah oo suuqa Towfiiq ku yaalla, waxaana la sheegay in Maxkamada culeys lagu saaray iney kiiska go’aan deg deg ah ka gaaraan.

Maalintii Jimcaha ahayd ayaa qoyska Sahal loogu tagay Hoygooda, waxaana loo geeyay warqad u yeeris Maxkamadeed oo loogu sheegayo inay Isniinta 31/07/2023 ku yimaadaan Maxkamadda Gobolka Banaadir. Waxaana loo yeerayaa waa xaaska Sahal oo ah Faadumo Subeyr oo ah hooyada heysa carruur 8 ah.

Warqadda waxaa soo qoray shaqsi derejadiisu tahay Kaaliyaha Maxkamadda Sakariye Cabdullaahi Maxamed, waxayna sheegeysaa inay soo baxday 26/07/2022 oo micneheedu yahay sanad ka hor in la qoray warqadda, Qoyskaan oo ah kuwa laga tiro badan yahay mana heystaan hub iyo Beel, Maamulkana kuma lahan matalaad, Waxa dulmiga ku hayana waa ganacsato iyo siyaasiyiin hub iyo awood dowladeed isku heley.

269000cookie-checkQoys Awood loogu Sheeganaayo Dhul ay Degan yihiin Oo lagu yiri Ma Heysan kartaan…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com