Share the post "Isku Shaandheyn Lagu Sameynaayo Puntland Wasiiro, Agaasimayaal & Garsoorayaal"
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne Saciid Deni, ayaa lagu wadaa inuu 24 saac gudahood uu ku dhawaaqo Isku-shaandheynta Golaha Wasiirada, taasoo uu ku mashquulsanaa maalmihii u dambeeyay…
Wararka ayaa sheegay in la diyaariyay liiska Golaha Wasiirada cusub, kadib la-tashiyo dhexmaray Madaxweyne Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, sidoo kale Mr.Deni ayaa lagu wadaa inuu magacaabo Agaasimayaal Guud, Guddoomiyaha gobalka Mudug, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka qalabka sida, iyo Garsoorayaal.
Hoggaamiyaha Puntland oo dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay musharrax Madaxweynaha DFS, ayaa xubno badan oo kamid ah maamulkiisa ka dhigay Xildhibaano, kuwaasoo aadi doona Magaalada Muqdisho.