Isku Shaandheyn Lagu Sameynaayo Puntland Wasiiro, Agaasimayaal & Garsoorayaal

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in Madaxweyne Saciid Deni, ayaa lagu wadaa inuu 24 saac gudahood uu ku dhawaaqo Isku-shaandheynta Golaha Wasiirada, taasoo uu ku mashquulsanaa maalmihii u dambeeyay…

Wararka ayaa sheegay in la diyaariyay liiska Golaha Wasiirada cusub, kadib la-tashiyo dhexmaray Madaxweyne Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, sidoo kale Mr.Deni ayaa lagu wadaa inuu magacaabo Agaasimayaal Guud, Guddoomiyaha gobalka Mudug, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka qalabka sida, iyo Garsoorayaal.

Hoggaamiyaha Puntland oo dhowaan ku dhawaaqay inuu yahay musharrax Madaxweynaha DFS, ayaa xubno badan oo kamid ah maamulkiisa ka dhigay Xildhibaano, kuwaasoo aadi doona Magaalada Muqdisho.

178080cookie-checkIsku Shaandheyn Lagu Sameynaayo Puntland Wasiiro, Agaasimayaal & Garsoorayaal
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com