Khilaaf Xoogan Oo U Dhaxeeya Qorqor iyo Kuxigeenkiisa

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya inuu jiro Khilaaf xoogan iyo is mari waa u dhaxeeya Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Kuxigeenkiisa Cali Ciid, kaasoo ku saabsan kursiga Aqalka Sare ee ah saamiga Beesha Madaxweyne Kuxigeenka…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Madaxweyne Qoorqoor uu doonayo in xubinta Aqalka Sare ee Beesha Mareexaan uu u soo qoro qof Villa Somalia laga soo gudbiyay, halka Madaxweyne Kuxigeenka ku doonayo in lagala tashto kursiga uu taladiisa leeyahay.

Qorqor ayaa la sheegay inuu Maamulka Doorashada uu si toos ah gacanta ugu geliyay Farmaajo iyo Fahad Yasin, talaabadaan ayaa u muuqata mid ka dhigeysa Doorashada dadban mid aan lagu kalsoonaan karin horseedi kartana dagaal dhiig ku daato bacdamaa Kooxdaan boob I diyaargaroobeen.

133530cookie-checkKhilaaf Xoogan Oo U Dhaxeeya Qorqor iyo Kuxigeenkiisa