Xasan Sheekh oo Xil cusub ku Abaal mariyay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka..

Somalia news

Kadib Ansixintii 4-ta Cutub ee Dastuurka ee Labada Gole, inkaatoo 11-kale oo Cutub ay harsan yihiin, ayaa Balanqaadyadii ugu horeeyay ee uu fuliyay Madaweynaha isagoo xil cusub u magacaabay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo kana soo jeeda K/Galbeed..

Xilka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada ayuu Madaxweynaha u magcaaabay Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley, sida lagu shaaciyey wareegto xalay kasoo baxday Madaxtooyada Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Ergayga gaarka ah ee cusub kula dardraamay inuu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka oo uu ka shaqeeyo ilaalinta iyo u Qareemidda Caafimaadka Muwaadiniinta.

Xasan Sheekh ayaa hore u magacaabay Xilal tiro badan oo isugu jira Ergay iyo La-taliyeyaal, wuxuuna ergeygii ugu horeeyay ee isagoo Xildhibaan ah xil loo magacabay ahaa C/raxmaan C/shakuur Warsame inkastoo ui sanadkii ugu dambeeyay ku biiray Safka Mucaaradka.

318600cookie-checkXasan Sheekh oo Xil cusub ku Abaal mariyay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka..