Abiy Oo Kuxigeenkiisa u Magacaabay Mas’uul Gobolka Soomaalida Ethiopia ka soo Jeeda..

Africa News

Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis abeba ee Ethiopia ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Dalkaasi Abiy Axmed ayaa u magacaabay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalkaasi Siyaasi ka soo jeeda degaanada Soomaalida dalkaasi, kadib markii Jagadaasi muddo banaaneyd…

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Abit uu Aadam Faarax u magacaabay in uu noqdo Ra’iisal Wasaare ku xigeen ahna Madaxa Xafiiska Isku xirka Xarunta Dhismaha Dimuqraadiyadda laga bilaabo 01 Abriil 2024, Aadan Faarax ayaa hore u ahaa Madaxa Xisbiga Barwaaqo iyo Gudoomiyaha Golaha Shucuubta Ethiopia.

Sidoo kale Aadan Faarax ayaa Xukuumadda Degaanka Soomaalida ka soo noqday Madaxweyne ku xigeen, iyadop jagadaani ay noqoneyso tii ugu horeysay er Sarkaal ka soo jeeda Degaanada Soomaalida Ethiopia loo magacaabo intii uu xilka qabtay Abiy.

318670cookie-checkAbiy Oo Kuxigeenkiisa u Magacaabay Mas’uul Gobolka Soomaalida Ethiopia ka soo Jeeda..