Maamulka Farmaajo Oo Ka Carooday Warbixino Ay AU-da Diyaariyeen

Somalia news

Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa ka carooday Warbixin ay soo diyaariyeen Guddiga Qiimeynta madaxa banaan ee Midowga Africa (AU-da), u saartay Xaalada Amni iyo amaan ee Somalia xiliga kala guurka…

Warbixintaan oo bishii May loo gudbiyay Hogaanka AU-da ayaa nuxurkeedu xambaarsanaa 4-marxaladood oo mid ugu dambeysa tilmaameyso iney sii joogaan Ciidamada Amisom ilaa Sanadka 2026-ka, waxey ka hadleysa Xaalada Siyaasadeed, Amni iyo Dhaqaale Somalia, waxeyna Guddigaan soo calaamadeeyeen in dhinaca Siyaasada ay Somalia gashay Qalalaase iyo heshiis la’aan 4-tii sano Ee Uu Maamulka majaraha u hayay Farmaajo.

Qalalaasaha Siyaasadeed iyo heshiis La’aanta ayaa wuxuu Dalka qarka u saarmay dagaal sokeeye iyo Amni darro, iyagoo intaasi raaciyay in Ciidamada Dowladda aysan diyaar u aheyn iney kala wareegaan Amniga Dalka, iyadoo aan la fulin heshiisyadii Amni iyo dhismaha Ciidamo Qaranku leeyahay.

Ilo Wareedyo ayaa sheegay in Farmaajo uu ku amray Rooble inuu ku gacan seyro Warbixintaan, wuxuuna ku sababeeyay iney meel ka dhac iyo xadgudub ku tahay Qaranimada Somalia, isla markaasna aan lagala tashan Dowladda muddo xileedkeedu dhamaaday.

129860cookie-checkMaamulka Farmaajo Oo Ka Carooday Warbixino Ay AU-da Diyaariyeen