Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Somalia news

Qarax aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Dugsiga 21-ka October ee kuyaala degmada Waabari…

Warar hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah oo laamiga dhinaciisa la dhigay, lamana oga wali cida sida gaarka ah qaraxaasi loola eegtay iyo khasaaraha ka dhashay.

Ciidamo katirsan Boliiska iyo gaadiidka gurmadka deg dega ayaana gaaray goobta qaraxu ka dhacay, waxaana socda baaritaano ciidamada ku sameenayaan qaraxan goordhaw dhacay.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay .

47140cookie-checkQarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho