Jubbaland Oo Ganafka Ku Dhufatay Qoraalka Villa Somalia

Somalia news

Madaxtooyada Jubaland ayaa ka hortimd qoraalkii maanta kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ee lagu sheegay in dowladda federaalka ay Axmed Madoobe “u aqoonsatay” inuu yahay Madaxweynaha Jubaland KMG ah….

Agaasimaha madaxtooyada Jubaland Abshir Maxamed, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitter-ka, ayaa qoraalka Villa Somalia ku tilmaamay mid aan haba yaraatee haysan wax sharciyad ah.

Isaga oo qoraalkiisa soo raaciyey lifaaqa qoraalka Villa Somalia ayuu Abshir Maxamed yiri “Bayaanka ma haysto wax sharciyad. Wuxuu ka horimanaya dastuurka Soomaaliya iyo kan Jubaland. Jawaabta rasmiga ah ee Jubaland ayaa waxyar kadib xigi doonta,”.

Qoraalka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay Axmed Maxamed Islaam u aqoonsatay Madaweynaha maamulka kumeel gaarka ah ee Jubaland, islamarkana muddo-xileedka maamulka uu yaha labo sano ah oo ka bilaabanaysa xilligii uu dhammaaday muddo xileedkii u dambeeyay.

Farmaajo ma ahan kaliya inuu wakhti ku lumiyo Aqoonsiga Sheekh Ahmed Madobe, balse Waxaa looga baahan yahay:-

  1. Magdhow dhibaatadii iyo Cunaqabateyntii Shacbiga Jubaland soo gaartay.
  2. In 2-dii sano ee ugu dambeeyay dhaqalaha uu Isbaarada u dhigtay.
  3. Raaligalin dhiibistii Qalbidhagax.
  4. Magdhow Xildhibaanada uu garoonka ka xayirey.
  5. iyo marka Ahmed Madobe afarta sano dhamaysto waa in loogu daraa laba sano oo doorashadii ka bacdi ka khasaartay.
41760cookie-checkJubbaland Oo Ganafka Ku Dhufatay Qoraalka Villa Somalia