Kulanka 3-Heer Ee Jabuuti Ka Furmaaya

Somalia news

Waxaa lagu wadaa in Caasimada Dalka uu Djibouti ka furmo wada hadal ay garwadeen ka yihiin dalka Mareykanka, balse ay gogosha dhigtay Djibouti, goobjoogna ka tahay Adis Ababa, EU-da AU/da kaasoo maraya heerar kala duwan…..

3-da heer ee Shirka:-

Furitaanka Shirka waxaa ka hadli doona Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Somalinad, Djibouti, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Danjiraha Mareykanka, Wakiil ka socda Yurub iyo wakiillo ka socda dalalka kale ee daneeya arrimaha Somalia….

Sida ay Diinah.com News ogaatay qeybtan waa khudbado la xiriira iskaashi, amni iyo siyaasadda cusub ee geeska Afrika.

Maalinta 2-aad:-

waxaa loo gudbayaa wejiga 2-aad oo dhanka Villa Somalia waxaa wadaxaajoodka hor kici-doonna Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre, Guddoomiye Mursal iyo Wasiir Sabriye halka Somaliland ay soo dirsatay 5 mas’uul oo ay ku jiraan guddoomiyaha golaha wakiillada, 4 wasiir iyo Edna Aden. Wejigan waxaa lagu xallin-doonnaa arrimaha siyaasadda sida deeqaha, hawada, fiisayaasha, iskaashiyo muhiim u ah labada dhinac.

Wejiga 3-aad:-

Kulanka ugu dambeeya waa midka ugu adag, oo dib ayaa loo dhigay, waa midka looga hadlayo mustaqbalka midnimada, waxaa wada fariisanaya “guddi farsamo” oo socda labada dhinac, oo ay ku jiraan khubaro, odeyaal, siyaasiyiin iyo bulshada rayidka. Ujeedka ugu weyn waa doodda ah in laga hadlo 30 sano kadib halka geediga loo rarayo, ma jiraan wax hadaf kulmiya, taasoo dan u ah waqooyi iyo Koonfur.

41730cookie-checkKulanka 3-Heer Ee Jabuuti Ka Furmaaya