Sida u Shaqeeyaa Xafiisyada Dhaqaale Uruurinta Ururka Argagixisada ISIL-Somalia

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ah ayaa laga helayaa sida ay Baada u qaadaan Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada ISIl-Somalia, iyadoo Garabkaan lagu magacaabo Al-Karrar, wuxuuna ka shaqeeya isku xirka Howlgalada Kooxdani ee dhibaatada argagixiso ku heysa Dalalka JD Congo, Mozambique, Somalia, South Afrika iyo Dalal kale…

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Xafiiska ayaa sidoo kale waxaa hoos yimaada Faracyada Galbeedka Africa, Konfurta Syria iyo Iraq, wuxuuna u xil saaran yahay ururrinta Dhaqaalaha/Baada, Xatooyada iyo Afduubka, Hey’adaha Sirdoonada ayaa ogaaday in sanadihii u dambeeyay in xiriirka u dhaxeeya Kooxaha Argagixisada Al-Karrar iyo Garabka Ururka argagixisada ee ISIS-Khorasan ee ka howlgala Dalka Afghanistan.

Saraakiisha Sirdoonada Reer Galbeedka oo si dhow ula socday Dhaqdhaqaaqa Ururkaan oo farsiinkiisa ugu weyn ku yaalaan Buuraha Golis iyo Calmadow, ayaa ku guuleystay muddo dheer oo daba gal kadib markii khaarijiyaan Horjoogihii ugu saameynta badnaa Bilal Al-Suudaani oo ka tirsanaa ISIL Somalia, kaasoo door hormuudnimo ka ciyaarayay ama toos u maamulaayay Xafiiska Al-Karrar, iyadoo Walaalkiis sidoo kale uu xubin firfircoon ka yahay Ururka Argagixisada Daacishta.

241400cookie-checkSida u Shaqeeyaa Xafiisyada Dhaqaale Uruurinta Ururka Argagixisada ISIL-Somalia