Kenya oo dib u dhigtay dib u furista xadka Somalia sababo la xiriira “Mowjado Weerarro ah”

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Maamulka Ruto uu dib u dhigay dib u furista Xadka labada Dal, kadib markii ay kordheen bilihii ugu dambeeyay Weerarada kooxda Argagixisada Shababka, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya..

Wararka ayaa sheegay in Bishii May Sanadkaan ayaa waxay labada dowladood ku heshiiyeen in dib loo furo muddo 90 maalmood gudahood ah dhowr xaruumood oo xuduud ah oo ay ku jiraan Mandheera, Liboi, iyo Kiunga, kuwaas oo xirnaa tan iyo 2011 markii Kenya ay ciidamadeeda u dirtay koonfurta Somalia si ay gacan uga geystaan la dagaalanka Shabaabka.

In ka badan 12 qof ayaa lagu dilay xadka ay wadaagaan bishii lasoo dhaafay, taasoo qeyb ka ah sida ay dadka falanqeeya arrimaha ammaanka ay sheegeen inay socdaan dadaallo ay Al-Shabaab ku dooneyso inay Kenya ciidamadeeda ugala baxdo howlgallada nabad ilaalinta ee Somalia.

“Dowladdu waxay dib u dhigi doontaa qorshaha gabagabada ah ee dib loogu furayo xuduudaha Kenya iyo Somalia si loo fududeeyo si dhameystiran oo wax looga qabto mowjadaha weerarrada argagixisanimo iyo dambiyada xuduudaha ee dhowaan ee bilihii ugu dambeeyay aad u kordheen,” Kindiki ayaa ku soo qoray Twitter.

Kooxda Argagixisada Shabaabka ayaa in ka badan 10 sano u dagaalamaysay sidii ay u dumin lahayd Dowladaha ka dhisan Kenya iyo Somalia, isla markaana ay u sameysan lahayd xukun iyaga u gaar ah oo ku salaysan Maamul mayal adag.

264490cookie-checkKenya oo dib u dhigtay dib u furista xadka Somalia sababo la xiriira “Mowjado Weerarro ah”