Madaxweynaha Somalia Oo Ka Codsaday Ganacsatadii Italy iney Beeraha dib ula Wareegaan..

Somalia news

Mafaxweynaha Somalia intii uu joogay Magaalada Rome ayuu wareysi uu siiyay mid ka mid ah Warbaahinta dalkaasi ayuu ugu baaqay Ganacsatadii Beeraha iyo Dhulalka ku laheyn Somalia ay dib u soo laabaan 34-sano kadib, Maamulkiisu diyaar u yahay inuu ku wareejiyo…

Weligeed ma dhicin Madaxweyne Dal Africa ah oo ka codsaday Gumaystayaashii hore ee Dhul beereedka Dalka ka boobeen inay u soo noqdaan si ay dib ula wareegaan beerihii ay dagaalada uga carareen, Madaxweynaha ayaa sheegay in talabaadani ay dib u soo celinaysaa xiriirkii Dadka ee Talyaaniga iyo Somalia. Erayadiisa, “waxaan ku riyooneynaa inaan heli doono heerkaas saaxiibtinimo oo soo noqda, markaa taasi waa gunta hoose ee fariinteyda”.

Siyaasada arrimaha Dibeda ee aan jihada laheyn ee Maamulka Villa Simalia, ayaa cambaareyay Xiriirka Africa iyo Russia, wuxuuna indhaha ka qabsaday xiriirka qotada dheer ee Somalia iyo Russia, inkastoo Somalia ay horay u heshay Deeq 2-Shixnadiid oo qamadi ah oo bilaash ah ka heshay Dalka Russia, Dalkii Midowga Sofiyeetiga oo hadda Russia ah ayaa dhisay Dekeda Berbera iyo Garoonka Bali doogle, wuxuu Madaxweynaha xiriir ula sameyn waayeyay.

306020cookie-checkMadaxweynaha Somalia Oo Ka Codsaday Ganacsatadii Italy iney Beeraha dib ula Wareegaan..