Kenya Oo ka Carootay Digniino Amni oo ka soo Yeeray Dalalka UK & USA

Africa News

Dowladda Kenya ayaa ku tilmaamtay “wax laga xumaado” digniino amni oo ay soo kala saareen Hey’adaha Sirdoonada (FBI) & MI6) Mareykanka & Boqortooyada Ingriiska, dhawaqaan ayaa la la xiriiriyay weeraro suurtogal ah oo Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shababka ka geysan karaan gudaha Dalkan Kenya…

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arrimaha Dibeda Kenya Mr.Korir Sing’oei ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Hey’adaha Amaanka labada Dal ay caado ka dhigteen iney Khalkhal geliyaan Amaanka Muwaadiniinta Kenya, xilli ay Ciidamada Dowladu u dabaqldegayaan guulaha ay ka gaareen howlaha lagu ciribtiraayo kooxda argagixisada Shababka.

Wuxuu Sarkaalka ku booriyay Muwaadiniinta iyo Xoogaga Amaanka iney feejgnaadaan, isagoo intaasi raaciyay in digniinahaan argagixisada mideysan ay gebi ahaan ahaan tahay nasiib darro, laakin duruufaha lagu soo rogay waxaa sabab u ah cadaadiska kooxda argagixisada ay ka dareemayaan Somalia iyo Kenya, kuwaasoo dadaalo wadajir ah qaaday.

Digniinadaan ayaa ku soo hagaagay hal bil uun kadib markii Safaarada Mareykanka ee Magaalada Dara-salasm (Tanzania), ay soo saartay digniino amni oo ku wajahan muwaadiniinteeda wxeyna Saraakiisha Safaaradu ku tilmaameen “Weeraro suurto gal ah”, taasoo ilaa haatan ayaan ka dhicin, iyadoo Dowladaha USA & UK loogu baaqay iney ka fiirsadaan qoraalada khalkhal gelinta amniga.

241840cookie-checkKenya Oo ka Carootay Digniino Amni oo ka soo Yeeray Dalalka UK & USA
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com