WARARKII U DAMBEEYAY: Dagaalka Laas-caanood oo galay Maalintii 7-aad

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaalada ka socda Buuraha ku dhow Degmada Laas-caanood una dhaxeeya Xoogaga Hubeysan ee Degaanka & Maleeshiyaadka Maamulka Muuse Biixi, dirirta ayaa bilaabatay aroortii hore ee Saakay iyadoo Dhinacyadu isku adeegsanayaan Hubka noocyadiisa kala duwan…

Wararka ayaa sheegay in dagaalka socda uu yimid kadib markii cagta la mariyay fariidinkii Daray madoobe, dhabarjabina lagu sameeyay Cutubyo ka tirsan Xoogaga Somaliland oo ku sugnaa saldhig Daryo-weyne, kuwaasoo maalmihii lasoo dhaafay ka duqeynayay magaalada, waxaa la sheegay in Fariisimada ugu ee ee Xoogaga Muuse Biixi ee Gooja-cadde iyo Tuke-raq ay Xoogaga Laas caanood ay xoogaga saarayaan sidii looga saari lahaa degaanadaasi oo ah fariisimada Duqeynta laga wado.

Dhanka kale Horgale Muuse Canbaashe ayaa shalay ka socdaalay magaalada Laascaanood, isagoo ku wajahan caasimadda maamulka Somaliland ee Hargeysa, iyadoo Maalmihii ugu dambeeyay ay Odayaasha Dhaqanka culeys ju saaraayeen Horgalahaan inuu Hubka & Xoogaga ku soo wareejiyo wuxuuna qabsaday 3-maalmood oo wakhti ah.

MAXAA KA HORTAAGAN HORGALE CAMBAASHE KU BIIRISTA XOOGAGA DEGAANKA

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Horgalahaan Maamulka Hargeysa ay ka heystaan Ciidamo iyo Gaadiid dagaal, kuwaasoo bilo ka hor looga xareeyay xeryo Ciidan oo ku taalla agagaarka Hargeysa, Wararka ayaa sheegay in Ciidamadaan oo horey looga kaxeeyay loona diyaarinayo ka qeyb noqoshada dhoolatus ay ka sameeyeen Xoogaga Somaliland magaalada Laascaanood ’02-dii bishan February, oo ay u dabaaldegeen sanad-guurada 29aad ee ciidanka Somaliland, Balse horey loo qorsheeyay in lagu qabto Hargeysa.

241800cookie-checkWARARKII U DAMBEEYAY: Dagaalka Laas-caanood oo galay Maalintii 7-aad