Maxaa Sababay Isku Dhac Ciidamada Dowladda ee Degaanka Raage-Celle

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa isku dhac getstay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawacyo kala duwan oo soo kala gaaray Ciidamada Dowladda (Kuwa laga keenay Eritrea) iyo kuwa Militeriga ee ku sugnaa degaanka Raage-Celle oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Dhacdadaani (Isku dhacaani) uu ka xalay dhacay Degaanka Raage-Ceele, waxaa la sheegay iney ka bilaabatay kadib markii mid ka mid Ciidamadii Eritrea lagu soo tababaray ay ka fakatay Xabad, taasoo horseeday in Ciidamadii degaanka ku sugnaa ay rasaas ugu jawaabaan, waxaana ka dhashay khasaare 8-dhimasho ah oo soo gaartay Ciidamada Xooga Dalka iyo tiro dhaawacyo ah, Halka Ciidamadii Eritrea lagu soo tababaray ay 4-Askari ka dhaawacmeen, kuwaasoo loo soo qaaday Isbitaalada magaalada Mogadishu.

Isku dhacaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka, kaasoo la sheegay inuu Hogaaminaayay Ciidamadadaan oo watay 57-Gadiidka Dagaalka (Landcruiser) & kuwa Xamuulka iyo booyado Shidaalka iyo biyaha, waxeyna ku sii jeedaan Degmooyinka Ceeldheer iyo Ceelbuur ee Maamulka Galmudug.

241890cookie-checkMaxaa Sababay Isku Dhac Ciidamada Dowladda ee Degaanka Raage-Celle