Qoysas Badan oo ka Qaxaaya Magaalada Baydhabo & Cabsi Xoogan oo Ka Taagan

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inuu buux dhaafay Dadkii ugu badnaa mudooyinkan ee magaaladaas joogay, kadib cabsi soo wajahday, sidoo kale waxaa laga qaxaayaa Xafadaha qaarkood…

Garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo, ayaa laga dareemayaa mashquulkii ugu badnaa waxaana dadka halkaa ku sugan ay ku soo qulqulayaan Muqdisho, iyagoo ka cararaya xiisada colaadeed ee halkaas ka taagan, halka kuwa aan awoodin ay u qaxayaan Dhulka baadiyaha ah.

Shirkadaha Diyaaradaha ayaa kordhiyay duulimaadyada Magaalada Baydhabo, iyagoo ka faa’iideysanaya suuqa fiican ee halkaas halkaa ka furmay, Dhaqdhaqaaqyo Maleeshiyo oo iska soo horjeedo ayaa weli laga dareemayaa Magaalada, kuwaasoo midba iskiis isku abaabulay una diyaarsan dagaal, iyadoo xiisadan ay daba socoto dagaal labo maalmood ka hor halkaas ka dhacay kaasoo dhexmaray Maleeshiyaad daacad u ah Laftagareen iyo kuwo la baxay badbaadada Koonfur galbeed oo ay taageerayaan Siyaasiyiin mucaaradka ee diidan muddo kororsiga.

233300cookie-checkQoysas Badan oo ka Qaxaaya Magaalada Baydhabo & Cabsi Xoogan oo Ka Taagan