Maxaa Ka Taqaan Shaqsiga Amniga Kala Taliya Farmaajo

Somalia news

Warbixino naceyb iyo caadifad qabiil ka buuxdo oo laga Diyaariyay Shirkadaha iyo Ganacsatada Suuqyada Bakaaraha iyo Suuq Bacaad, ayaa loo Gudbiyay Dalal dhowr oo Sirdoonadoodu ka howlgalaan Magaalada Muqdisho, kadib markii uu fashil ku soo dhamaaday mudo xileedkii Maamulka Fashilmay ee Farmaajo….

Ilo wareedkaan ayaa Diinah.com u xaqiijiyay in La-Taliyaha Madaxweynaha ee Xagga Amaanka Mr.Cabdi Saciid Muuse Oo Adeege mushaar joogto ah ka qaata Hey’adda Sirdoonka Holland, uu si qarsoodi ah u diyaariyay warbixino khatar ku ah, Ganacsatada, Shirkada Hormuud, Xawaalada Taag iyo Shirkado kale kuwaasoo uu ku eedeeyay iney xiriiro toos ah ka leeyihiin Kooxaha argagixisada isla markaasna maalgeliyaan.

Shaqsigaan ayaa warbixintiisu la sheegay iney 40-beej ka kooban tahay, waxaana la sheegay inuu la diyaariyay Wakiilka Amisom Mr.Francesco Madeira oo saaxiibo ah, waxaana lagu sheegay warbixinta in Dekeda Muqdisho, Suuqyada Bakaaraha iyo Bacaad lagu calaamadeeyay iney yihiin goobaha laga quudiyo Kooxaha argagixisada, balse waxaana warbixinta lagu soo qaadin Xubnaha Shabaabka ee ka soo baxaada Kooxda Shabaabka lagana howlgeliyo NISA iyo Shirkadaha ganacsiga Boosaaso, Hargeysa, Garoowe iyo Nairobi.

Shaqsigaan ayaa horey uga soo shaqeeyay La-taliyenimo Xafiisyada EU-da dhinaca Siyaasada iyo Amniga ee geeska Afrika, Safaarada Talyaaniga ee IGAD (Amniga iyo Xuduudaha Badaha) iyo Sanadkii 2004-5 uu la-taliye u noqday Marxuum Cabdullaahi Yuusuf, waana shaqsigii ka dambeeyay eryidii Ergeygii U.N.-ka Ee Somalia Mr.Nicholas Haysom.

Xogtaan ayaa intaasi raacisay in Khatarka ugu weyn ee xiligaan Magaalada Muqdisho ay wajaheyso tahay Horjoogahaan Cabdi Saciid Muuse, isagoo diyaarshay sidii loo burburin lahaa ilaha Dhaqaalaha Magaalada Muqdisho, wuxuuna u arkay iney tahay khatar weyn Oo culeys ku ah Gobolada kale, Waxaana looga digay inuu joojiyo Warbixin aad been abuurka ah ee uu Hey’addaha Sirdoonada Reer Galbeedka ugu qeybinaayo.

38880cookie-checkMaxaa Ka Taqaan Shaqsiga Amniga Kala Taliya Farmaajo