Khataraha Drones-ka Dalka La Keenay & Dagaal Siyaasadeedka Farmaajo

Somalia news

Si kedis ah ayaa loogu qabtay garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu maalmihii ugu horeeyay Bishaan November, lix diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn, kuna jiray hoolka costume-ka canshuuraha, muran saacado socday kadib Saraakiisha NISA ayaa la wareegtay diyaaradahaas, si baaritaanno loogu sameeyo…

Milkiyadda Drones-kaan Waxaa sheegtay Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi iyo Farsamo yaqaano (2) Turki ah, kuwaasoo loo gudbiyey qaybta baarista Hay’adda NISA, hayeeshee 24 saacad kadib ayaa damaanad Safaarada Turkiga bixisay lagu sii daayey, kadibna waxaa si fudud labada eedeysane ee Turkida aheyd dib loogu celiyay dalkooda, kadib markii uu Farmaajo soo fara geliyay.

Saacado kadib markii la qabtay waxaa qeylo dhaan Warbaahinta u mariyay Xikdhibaanka kor ku xusan, isagoo eedo toos ah u jeediyay Farmaajo iyo Saraakiisha Sirdoonka Mareykanka ee Faraca Magaalada Mogadishu, Sakariye ayaa sheegay inuu saami ku leeyahay Shirkadda Hufan Group (https://www.hufangroup.com/about-us Zakariye Xaji Abdi Founder (aas-aasha shirkadda hufan Group).

Nooca Drones-ka & Cabsida Amni:-

Diyaaradahaan Drones-ka ah noocoodu waa Mugin 3600 VTOL UAV waxa lagu sameeyey horumarin, iyadoo awoodda ka qeybgalka howlgallo kala gaddisan ee Rayidka iyo Ciidamada, waxaana la kordhiyey culeyska ay qaadi karto, dalka Shiinaha ayaa lagu farsameeyay, shirkad laga leeyahay Turkiga ayaa soo iibsatay, waxaana loo waday Gobolka Gedo, halkaasoo laga dhisay Garoon diyaaradeed oo qarsoodi ah.

Prof.Kabire Oo khabiir Amni ah ayaa farta ku guday in nooca Mugin 3600 loo yaqaanno Suicide Drone, wuxuu kaloo uu shaki geliyey in nooca xildhibaan Zakariye sheegay iyo kuwa NISA heyso ay kala duwan yihiin, isla markaana digniino laga soo saaray, wuxuuna sheegay in Diyaaradahaan laga cabsi qabo iney gacanta ku dhigaan Kooxaha argagixisada kuwaasoo xiriir dhow la Adeege Fahad Yasin.

Ku darsoo Hubka la doonaayay in laga soo iibiyo Bulgaria 🇧🇬 Oo qiimihiisu dhan yahay 270-millions US$, iyo Eedaha iyo tuhunka laga qaaday Axmed Cali Yuusuf (Galool) oo qaraabo dhow la ah Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, Midowga Yurub kusoo rogeen xayiraado dhaqaale iyo safar kaddib markii uu ka soo muuqday liiska dadka lagu tuhunsan yahay taageeridda argagixisada ee uu soo saaray golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la ii sheegay in uu lug lahaa soo iibista diyaaradaha.

Xiisadaha Colaadeed ee Ka oogan Dalalka Ethiopia, Eritrea & Somalia iyo xiriir dhow ee u dhaxeeya Xildhibaan Zakariye iyo Sirdoonka Eritrea ay Xaalada Drones-kaan khatar gelin karaan Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo Khilaaf xoogan kala dhaxeeya Farmaajo, iyadoo ay jiraan eedeymo hore oo ah in Afwerki uu taageero siiyey argagixisada Somalia ka howlgasha.

Xiligaan Dalku ku jiro kala guur iyo Doorasho, ayaa waxaa laga cabsi qabaa in Dhibaato amni oo halisteeda leh, saameynna ku yeelata doorashada aan la hubin ee Somalia iyo Siyaasiyiinta mucaaradka oo ficillo ka dhan lagu geysto diyaaradahaan talaabadaasi oo horseedi karta in Dalku uu dib ugu noqdo Dagaalka Sokeeye.

150610cookie-checkKhataraha Drones-ka Dalka La Keenay & Dagaal Siyaasadeedka Farmaajo