Maamulka Jubbaland Oo isku xiray Nabadgelyada iyo Horumarinta Wadooyinka..

Somalia news

Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii u dambeeyay waday dadaalo dib loogu dayactiraayo Wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Kismaayo & Afmadow, inkastoo ay soo shaac baxayaan dib u dhacyo lagu hakinaayo Dayactirka Wadadaasi ayna wadaan Kooxda Argagixisada Shababka oo Miinooyin ku beeray qeybo ka mid ah Wadadaasi..

Wararka ayaa sheegay in dhibaatooyinka Maamulka heysta ay ugu horeyso iney Wadadaasi aheyn mid Laami ah ama Jay, balse waa waddo caadi ah oo dhirta hareeraha wadada laga jaraayo, iyadoo la dimaayo lana duugaayo gododka Wadada dhexdeeda ku yaal, talabaadan ayaa ka horjoogsaneynin in Kooxda argagixsada ay si fudud ku aasaan miino.

Maamulka Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka iyo Wakiilada beesha Caalamka ka codsaday iney ka qeyb qaataan maalgelinta Mashruucaan oo sidoo kale qeyb ka ah dib u dayactirka Wadooyinka dhex mara magaalada Kismaayo oo burbur xoogan ka muuqdo, si loo hormariyo bilicda magaalada & Wadada isku xirta Kismaayo & Afmadow.

243850cookie-checkMaamulka Jubbaland Oo isku xiray Nabadgelyada iyo Horumarinta Wadooyinka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com