Ethiopia & TPLF Oo Wadahadalo Hub ka dhigis ah uga Furmaaya Magaalada Nairobi

Africa News

Dawladaha Ethiopia iyo Eritrea oo muddo laba sano ah iska kaashanaayay sidii loo wiiqi lahaa Xoogaga hubeysan ee Jabhadda TPLF, kuwaasoo dagaalo lagu riiqmay dhex maray ayaa maalmo kahor heshiis ka gaaray dagaalka ka socda gobalka Waqooyi ee Tigray inkastoo aan lagu xusay heshiiska Ciidamada Eritrea..

Heshiiska lagu gaaray Dalka South Africa, ayaa waxaa ka mid ahaa Qodobkiisa 6-aad iney Kulamo yeeshaan Taliyayaasha Ciidamada labada dhinac muddo 5-maalmood gudahood marka Heshiiska la saxiixo, iyadoo lagu wado in Labada Taliye (TDF) Gen Tadesse Werede iyo Ethiopia chief of military staff, Gen Birhanu Jula ay maanta ku kulmaan magaalada Nairobi.

Waxeyna muddo 5-malmood ku heshiin doonaan dhinacyadaan qaabka hubka looga dhigaayo Maleeshiyaadka Xoogaga TPLF, iyadoo la tixgelinaayo xaalada Amaan ee Gobolka Tigray, waana in muddo 10- maalmood gudahood heshiis lagu gaaraa oo hub ka dhigista ay bilaabataa 30-maalmood kadib.

223710cookie-checkEthiopia & TPLF Oo Wadahadalo Hub ka dhigis ah uga Furmaaya Magaalada Nairobi
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com