Khilaaf Soo Kala galay Maamulka Khaatumo & Sarkaal Hogaamiya Xoogag Hubeysan Degaanka ah..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Lascanood ee Gobolks Sool ayaa sheegaya, inuu khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Hogaamiyaha Maamulka SSC/Khaatumo iyo mid ka mid ah Saraakiisha Degaanka oo Degmada Laas caanod ku dhex heysta Xoogag aad Hubeysan..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Villa Somalia & Mas’uuliyiinta Xafiiska UNSOM ay culeys ku saareen Hogaanka Maamulka (Firdhiye) in Hogaamiyaha Xoogaga Hubeysan Cabdi Madoobe laga saaro magaalada ama Xoogaga iyo Qorayaha culus ee lidka diyaaradaha, waxeyna soo saareen Qoraal amar ah oo lagu dalbanaayo in Hubka culus laga saaro magaalada.

Horey ayeey Maamulka Somaliland waxey ugu eedeeyay Hogaamiye Cabdi Madoobe inuu ka tirsan yahay Kooxda Shababka, iyadoo Mr.Firdhiye, wuxuu ku dhegan yahay fulinta heshiiska uu lasoo galay Xasan Shiikh iyo Mrs.Catriona Liang Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Somalia, talaabaan ayaa u muuqata mid degaanka u horseedi karta Degenaasho la’aan iyo Dagaal.

Hogaamiye Cabdi Madoobe ayaala sheegay inuu Heegan geliyay Ciidamadaasi, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu qorsheystay inuu kala guuro Xoogagiisa magaalada Laas caanood una guuro Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, waxaa socda Dhaqdhaqaaq lagu xalinaayo xiisadaan oo ay wadaan Odayaasha Dhaqanka Degaanka

285710cookie-checkKhilaaf Soo Kala galay Maamulka Khaatumo & Sarkaal Hogaamiya Xoogag Hubeysan Degaanka ah..