Is-Rasaaseyn Khasaare Getstay oo ka Dhacday Magaalada Jowhar..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa isku dhac khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay oo dhex martay Ciidamo ka wada tirsan Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamulka Hirshabelle ayaa casir-liiqii ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelada dhexe…

Wararka ayaa sheegay in is-rasaaseyntani ayaa bilaabatay kadib markii ciidamada Boliiska Hirshabeelle ay weerar ku qaadeen Askar ka tirsan Guutada Danab oo degan banaanka magaalada Jowhar, Boliiska Hirshabeelle ayaa la sheegay inay dileen hal askari oo Danab ah iyo Qof shacab ah (Ganacsade).

Xaalada magaalada ayaa degen, iyadoo halkaasi ay gaareen ciidamo Boliis ah waxaana dib u bilowday isu socodkii iyo ganacsigii oo muddo kooban hakad ku yimid, Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Hirshabelle oo la xiriira is rasaaseyntan qasaaraha geysatay.

285770cookie-checkIs-Rasaaseyn Khasaare Getstay oo ka Dhacday Magaalada Jowhar..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com