Argagixisada Shababka Oo Xayiraado ku soo Rogtay Shaqaalaha & Gadiidka Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa xayiraado kusoo rogeen dhaqdhaqaaqa Gaadiidka iyo Shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom, talaabadaan ayaau muuqata mid soo af jartay xiriirkii ka dhaxeeyay…

Ilo lagu kalsoon yahay oo diiday in magacooda la sheego sababo dhinaca amniga ah ayaa sheegay in Horjoogayaasha maleeshiyaadka Shabaabka ay joojiyeen dhaqdhaqaaqaas, iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay kooxdu caddeysatay iney dagaal dadban kula jirtay Shirkadda Hormuud oo ah tan ugu weyn shirkadaha isgaarsiinta ayaan ka hadlin arrintan.

Khabiir ku xeel dheer arrimaha Gudaha iyo Amaanka Dalka ayaa sheegay in kooxda Shabaabka ay diidayaan in isgaarsiintu ay gaarto degaannadii ay ka qabsadeen dawladda Somalia iyo dadka degaankaasi, taasina ay sabab u tahay inay xayiraan shaqaalaha iyo baabuurta shirkaddu inay u safraan degaannadaas.

233450cookie-checkArgagixisada Shababka Oo Xayiraado ku soo Rogtay Shaqaalaha & Gadiidka Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud