Dagaal ka Qarxay Degmada Laas Caanood ee Gobolka Sool

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laas caanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Subaxnmadii hore ee Saakay ayaa rasaas xooggan ka bilaabatay 3-qeybood oo magaalada ka tirsan, dagaalka ayaa u dhexeeya Dadka Degaanka iyo Xoogaga Somaliland…

Wararka ayaa sheegay in dagaalkani ayaa qarxay kadib markii ay isku dayeen Xoogaga Muuse Biixi iney soo galaan magaalada, balse waxaa dagaal kala hortagay Xoogaga Degaanka, Weerarkaan ayaa ku soo beegmay xilli maanta la sugaayey in la soo afmero shirkii aaya ka tashiga gobolada SSC oo ay hormuud ka ahaayeen Isimada degaankaasi, Go’aanka oo hordhiciisu shalay soo baxay ayaa Somaliland Xoogag badan xalay soo gelisey magaalada.

Dad badan ayaa magaalada isaga baxay oo ka qaxay kuwaasoo badankood gaarey Garoowe iyo degaano kale, Somaliland oo war saxaafadeed soo saartey ayaa sheegtey in maanta lagu soo duuley xarunta masuuliyiintedu kaga sugan yihiin Laascaanood, isla markana laga dhaawacay laba askeri.

240890cookie-checkDagaal ka Qarxay Degmada Laas Caanood ee Gobolka Sool
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com