QM Oo Cambaareysay Dil Loo Geystay Shaqaalaheeda

Somalia news

Qarramada Midoobey ayaa si adag u cambaareysay dil toddobaadka duleedka magaalada Muqdisho loogu geystay Labo ruux oo ka tirsanaa shaqaalahooda samafalka, waxeyna ka soo saartay war-saxaafadeed looga hadlay falkaan dilka….

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qarramada Midoobey ee UNSOM ayaa u dhignaa siddan ” Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa dilka laba ka mid ah shaqaalaha samafalka, oo la sheegay inay magaalo madaxda Muqdisho ku dileen dad looga shakisan yahay inay yihiin Kooxda Shabaabka.

Labada shaqaale samafal ee Soomaaliyeed waxay ku shaqeynayeen ololaha socday ee tallaalka cudurka dabaysha, ee ay soo qabanqaabiyeen Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF), Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka.

“Shaqaalahani waxay ahaayeen dad rayid ah oo adeegyo caafimaad oo muhiim ah siinayay carruurta nugul ee magaalada Muqdisho. Qaramada Midoobay waxay si adag u cambaareyneysaa falkan foosha xun waxayna ku nuuxnuuxsanaysaa in dhinacyada oo dhan ee xaaladaha colaadda ay waajib tahay inay ixtiraamaan oo ay ilaaliyaan dadka rayidka ah,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa mas’uuliyiinta/hay’adaha inay baaritaan buuxa ku sameeyaan dilalka, waxayna tacsi tiiraanyo leh u diraysa qoysaska dhibbanayaasha.

“Dhimashada labadan shaqaale caafimaad waxay xadgudub weyn ku tahay Sharciga Caalamiga ee Bani’aadanimada. Iyagoo ahaa shaqaale bini’aadanimo, waxay ku sugnaayeen jiidda hore iyagoo isku dayaya inay xakameeyaan cudurka dabaysha. Waa wax laga xumaado in la dilo iyagoo isku dayaya inay caawiyaan dad kale,” ayuu yiri Isuduwaha Arrimaha Bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula.

69400cookie-checkQM Oo Cambaareysay Dil Loo Geystay Shaqaalaheeda