Eedo & Fadeexado uu ku lug leeyahay Wasiirka Ciyaaraha Dowlada Federaalka oo Ragaadiyay Sportiga Dalka…

Somalia news Sports

Waxaa xalay magaalada Mogadishu ka dhacey Kulan ay isugu yimaadeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Xiriirka Kubada Cagta iyo Madaxda Xiriirada Ciyaaraha ee Maamul Goboleedyada Hirshabelle, Jubbaland, Galmudug iyo Gobolka Benaadir, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah..

Wararka ayaa sheegaya in Kulankaani uu salka ku hayay sidii Xal waara loogu heli lahaa Khilaafka iyo Maamul xumida ragaadiyay Tartankii Ciyaaraha Masmul Goboleedyada oo muddo hakad ku jira, Dhaqaalaha laga soo xareeyay Tikidhadii la gaday oo Shirkad gaar ah uu u xushay Wasiirka Ciyaaraha, sidii laga yeeli lahaa Kooxdii ku ciyaareysay Magaca Maamulka Konfur galbeed & arrimaha Amaanka Garoonka.

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Wasiirka Ciyaaraha la weydiiyay dhaqaalaha kasoo xarooday 8-dii Kulan ee la qabtay wuxuuna ku jawaabay in 60-000 US$ ay ka soo xarootay Tikidhadii la iibiyay, waxaana aad uga carooday oo kulanka isaga baxay Gudooniyaha Xiriirka Kubada Cagta iyo Wakiiladii Sportiga ee Maamulada Hirshabelle, Jubbaland iyo Maamulka Gobolka Benaadir, waxaana ku haray Wakiilka Sportiga Maamulka Galmudug.

Xaalada noocyada Ciyaaraha Qaranka iyo Gobolada ayaa intii uu Wasiirkaan qabtay Xilka wahajaayay Musuqmaasuq baahsan, Shirkad uu leeyahay u dhiibtay iney Tikidhada jarto iyo inuu Maamul xumo guud oo ka taagan hanaanka Abaabulka iyo xulida Xulalka Qaranka, ilaa hadda Madaxtooyada Iyo Wasiirka 1-aad waa ka baaqsadeen iney wax ka qabtaan Fadeexada Wasiirka Ciyaaraha ku gedaaman.

302030cookie-checkEedo & Fadeexado uu ku lug leeyahay Wasiirka Ciyaaraha Dowlada Federaalka oo Ragaadiyay Sportiga Dalka…