Maxaa ka Run ah in Djibouti ay Xayiraad ku soo Rogtay Xisaabaadka Bangiyada u Yaal Muuse Biixi..

Somalia news

Macluumaad loo qaateen ayaa sheegaya in heshiiskii Is-afgaradka Ethiopia iyo Maamulka Gooni goosadka Somaliland ku kala saxiixdeen Magaalada Addis abeba, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in xumaaday Xiriirkii u dhaxeeya Dowlada Djibouti & Maamulka Muuxse Biixi…

Wararka ayaa sheegaya kadib markii albaabada loo laabay dhawaan xafiiskii Xiriirka Somaliland ee Caasimada Djibouti, ayaa hadda Maamulka Djibouti ay ku guda jiraan in xayiro (Accounts) xisaabaadka Bangiyada ee ay leeyihiin Wakiilada Muuse Biixi musebiihi, iyadoo talaabada xigi doonta in la joojiyo Baasaboorka Djibouti ee ay ku safri jireen Isabaheysatada Muuse Biixi.

Hogaanka Dowlada Djibouti waa fahmi karaa raadka iyo saameynta Ganacsi ee ay ku yeelan karto Dhismaha Xarunta Ciidamada badda Ethiopia ee qorsheysatay iney ka dhisato Xeebta Lughaya, waxeyna u horseedi doonta hadii uu hirgalo qorshahaasi iney Dekada Djibouti khatar galeyso iyo Soomaalida Degaanka ee Ciise/Samaroon.

300010cookie-checkMaxaa ka Run ah in Djibouti ay Xayiraad ku soo Rogtay Xisaabaadka Bangiyada u Yaal Muuse Biixi..