Ma Dhabaa in Mas’uuliyiinta Sare ee Puntland Qoysaskoodii ka Rarteen Magaalada Garoowe..

Somalia news

Warar loo qaateen ah ayaa daaha ka rogaaya in Wasiirada, Xildhibasnada iyo Mas’uuliyiin kale ay bilaabeen iney Degaanada Puntland kala baxaan Qoysadkooda iyo Caruurtooda, kuwaasoo la sheegay iney u rarteen Dalalka Ethiopia, Kenya, Ugandha iyo Turkiga, iyadoo qaxaan cusub ay Dadka Degaanada aad ula yaabeen…

Wararka ayaa sheegaaya in Mas’uuliyiinta oo qaarkood Dhismayaal ka iibsaday Dalalka kor ku xusan, waxeyn Mashquuliyeen Garoonada Diyaaradaha ee magaalooyinka Boosaso iyo Garoowe, waxaana ka mid ah Gudoonada Baarlamaanka, Tiro Wasiiro ah oo ay ku jiraan kuwa Maaliyada iyo Arrimaha Gudaha iyo Tiro badan oo Xildhibaano ah.

Xafiisyada sida weyn looga dareemay barakaca ay wadaan Mas’uuliyiintu ayaa waxaa kamid ah Xafiisyada ‘Dad dhigista’ ee dawladda hoose ee Garoowe iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda DFS’, kuwaasoo ay buux dhaafiyeen Qoysas iyo caruur loo sameynayo Warqadaha Aqoonsiga (ID) iyo Baasabooro dalka looga saaro.

Qaxaan cusub ayaa lagu fasiray qodobada oo ku xusan iney horseedeen:-

-Degenaasho la’aan Siyaasadeed iyo Cabsida laga qabo in qorshaha Muddo kordhin qasab ah laga hor yimaado oo dagaal sokeeye ka qarxo.

-Boob Dhaqaale oo baahaan iyo Isla xisaabtan la’aan muddo sanado ah ka jirtay Maamulka.

-Amni, Xasilooni darro iyo Dilal qorsheysan ka taagan Magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo.

-Dhaqaale xumi iyo Musumaasuq xargo goostay.

-Kororka tirada Mas’uuliyiinta Qoysaskooda iyo Caruurtooda ka saaraya degaanka, ayaa lala xiriirinayaa cabsida ku aadan hubanti la,aanta doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtooyada iyo dagaal kale oo ka dhaca caasimadda Puntland ee Garoowe.

277120cookie-checkMa Dhabaa in Mas’uuliyiinta Sare ee Puntland Qoysaskoodii ka Rarteen Magaalada Garoowe..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com