Kooxda Hubeysan Ee Suufiyada Oo dib Isu soo Abaabulaaya

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa tilmaameysa in Maleeshiyaadka hubeysan ee Suufiyada Gobolada Dhexe ayaa u muuqdo kuwo dib u soo xoogeysanaya. Xoogagaan ayaa muddooyinkii ugu dambeysay isu uruursanayay degaanka Bohol, Tuuladaan ayaa waxay dhanka waqooyi kaga beegan tahay Magaalada Dhuusamareeb…

Wararka ayaa sheegay in kooxdaan Suufiyada ayaa bilaabay inay degaankaasi isku uruursadaan, kadib dagaalkii qaraaraa ee bishii October ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug kula galeen Magaalada Guriceel, Hoggaanka Ahlu Sunna oo saldhigtay deegaankaasi ayaa waxay keentay in xoogaga u daacadda ah ay isaga kala yimaadaan deegaanada Gobolada Dhexe.

Ma cadda waxa keenay dib u soo rogaalcelinta Xoogaga Ahlu Sunnada ee Gobolada Dhexe, ha yeeshee hoggaankoodu waxay sheegeen inuu ujeedkoodu yahay in ay deegaanka ka xoreeyaan maleeshiyada Shabaab, oo xaalad amni ka abuuray Galmudug, ayaan darrase Maamulka Qorqor waxey u taagan tahay ”Lax dhukani abaar moog”.

180400cookie-checkKooxda Hubeysan Ee Suufiyada Oo dib Isu soo Abaabulaaya
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com