Soomaali Xil Sare Looga Magacaabay Wasaarada Arrimaha Dibeda USA

Somalia news

Madaxweynaha dalka Mareykanka Mr.Joe Biden ayaa Mr.Xamse Warfaa oo ah wiil Soomaaliyeed u magacaabay inuu noqdo la-taliye sare xagga Arrimaha Xuquuqda aadanaha iyo Demuqaraadiyada oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka…

Xamse Warfaa ayaa hadda ahaa guddoomiye ku-xigeenka waaxda shaqaaleynta iyo horumarinta dhaqaalaha (DEED) ee Gobolka Minnesota. Wiilkaan Soomaaliyeed ayaa hadda kadib kaalin weyn ka cayaari doona hor-marinta shaqada diblomaasiyadeed ee Wasaarada Arrimaha dibedda Mareykanka.

Haatan Xamse waxuu si gaar ah ugu biirayaa xafiiska dadweynaha, Xuquuqda aadana iyo Demuqaraadiyada ee wasaaradda arrimaha dibedda oo shaqadiisa ay tahay ilaalinta barakacayaasha, Xafiiskaan ayaa sidoo kale ka caawiya Madaxweynaha Mareykanka go’aan ka gaaridda tirada qaxootiga imanaya Mareykanka sanad kasta.

161420cookie-checkSoomaali Xil Sare Looga Magacaabay Wasaarada Arrimaha Dibeda USA