Ciidamada Ethiopia Oo Qabtay Shixnad Shidaal oo Loo Waday Degaanada Jubbaland..

Africa News Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Ciidamada Ethiopia oo Howlgal ku qabtay Shixnad Fuustooyin Shidaal oo laga bixinayay Dowlad Degaanka Soomaalida loona waday degaan ka tirsan Maamulka Jubbaland ee Somalia, sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Facebook Ciidamada Ethiopia..

Shidaalkan ayay Ciidamadu sheegeen inuu dhanaa ilaa 30-Foosto oo shidaal ah, kaasoo lacagtiisa lagu qiyaasay ilaa 750,000 oo Birr, waxay Ciidamadu sheegeen in shidaalkan laga qaaday Degmada Doolow ee gobolka Afdheer loona waday Somalia gaar ahaan Jubbaland, iyadoo shidaalkan uu waday gaari laga leeyahay Dowlad degaanka Soomaalida lambarkiisuna yahay 3 SM 05459.

Ciidamadu waxa kale oo ay caddeeyeen in Ganacsatada howlahan ka shaqaysta ay qayb ka yihiin sicir bararka ka jira guud ahaan dalka Ethiopia, sidaas darteedna aysan ka baxsan doonin gacanta Ciidamada ee ku sugan xuduudda Dalku la leeyahay dalalka deriska ah.

306720cookie-checkCiidamada Ethiopia Oo Qabtay Shixnad Shidaal oo Loo Waday Degaanada Jubbaland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com