Kooxda Shababka oo weerar ku qaaday Fariisimo ay leeyihiin Ciidanka xoogga Dalka..

Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga hekayaa Maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada Shababka ayaa xalay weerar culus oo ku bilowday hoobiyaal ku qaaday Fariisimo Ciidamada Xoogga dalka ku leeyihiin Degaanka Sabiib ee ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose…

Wararka ayaa sheegaya in weerarka ay Maleeshiyaadku kooxdu ku qaadeen Fariisimada Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo waxaa dhax maray dagaal la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan kaasoo socday saacado ah ayna ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaaray.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in Ciidamada ay iska difaaceen weerarkii ay soo qaadeen Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka, iyagoo dhankooda ka sheegtay iney gaarsiiyeen khasaarooyin, Weeraradaan ku qaadaan fariisimada Ciidamada Dowladda ayaa muddooyinkan aad u yaraa, waxaana hadda soo muuqaneysa in Kooxdu dib u bilaabayaan weeraradii ku dhufo oo ka dhaqaaq ahaa.

324480cookie-checkKooxda Shababka oo weerar ku qaaday Fariisimo ay leeyihiin Ciidanka xoogga Dalka..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *