Madaxweynaha Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Ismo ka Yimid Puntland

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan uu ku qaabilay Madaxweynaha Somalia iyo Ismo ka yimid Puntland gaar ahaan Gobolka Bari, kuwaasoo maalmahaan ku sugnaa magaalada Mogadishu, iyagoo sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Puntland intii uusan ka dhoofin Mogdishu..

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo hoggaaminayay isimada uu la kulmay Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waxaa malinimadii shalay ee Axad si wada jir ah kulan ula qaadaney Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa Madaxwayne Xassan Sheekh uu warbixin naga siiyey guud ahaan xaaladda dalka waxaanu is dhaafsaney talooyin waxtar u leh danta qaranka”.

“Ugu dambayn waxaan u mahadcelinaynaa Madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud sidii qalbi wanaag ahayd ee uu noo sharfey karaamada, qaddarinta uu u hayo dhaqanka Soomaaliyeed, sidoo kale waxaan u mahad celinaynaa Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Jaamac Xasan Khaliif, Waxaan rabbi uga baryaynaa in shaqada culus u fududeeyo isaga iyo xukuumadiisa, waafajiyo talada wanaagsan aamiin” ayaa la raaciyay qoraalka Boqorka.

223980cookie-checkMadaxweynaha Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Ismo ka Yimid Puntland