Unugyo Kooxda Argagixisada Shababka Ah Oo Lagu Qabtay Gaalkacyo

Somalia news

Sida ay muujinayaan macluumaadka laga helayo Saraakiisha Amaanka ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, ayaa iney ku guuleysteen Howlgalo la qaaday dhowaan iney ku guuleysteen iney soo qabtaan shabakad ka shaqeyn jirtay dilalka & Qaraxyada oo katirsan Kooxda Shabaabka…

Xogtaan ayaa u sheegtay Warsidaha Diinah.com news in Xoogaga Amaanka ay Gacanta ku soo dhigeen Unug ka kooban 7 xubnood, kuwaasoo ka howlgali jiray qeybaha ay u qeybsan tahay Magaalada Gaalkacyo, Xubnahaan ay ku jira 2 xubnood oo muhiim ah lana baadi-goobayey, waxayna labadan xubnood ahaayeen Horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Shabaabka.

Laamaha Amnigu, waxay qireen in dadka la qabtay dhammaan ay qirsan yihiin falalka amni-darro ee lagu eedeynayo, waxayna sheegeen in ay ficiladan fulinayeen ilaa sannadkii 2018-kii, iyadoo aysan jirin war dhaafsan laamaha Amniga, waxaana lagu wadaa in dhowaan la horgeyn doono Maxkamadaha degaanka.

71560cookie-checkUnugyo Kooxda Argagixisada Shababka Ah Oo Lagu Qabtay Gaalkacyo