Xoogag Hubeysan Oo Gadoosan oo Qabsaday Bar Ilaalo oo Waqooyiga Gaalkacyo Ku Taal..

Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Xoogag hubeysan oo ka gadooday Gunno la’aan muddo heysay isla markaasna qabsaday Bar Kontrol oo ku taal Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo (Puntland), iyagoo u diiday Gadiidka Shixnadaha sida iney wadaadasi maraan…

Wararka ayaa sheegaya in tiro badan oo Gaadiid kala duwan ay ku xaniban yihiin kantaroolka dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo kadib markii ay xirteen Xoogaga hubeysan ee gadoodsan kuwaasoo ka tirsan Maamulka Puntland, dhacdadaan ayaa noqoneysa tii 2-aad, iyadoo Xoogag kake ay xirteen Wadada laga galo magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogagaan gadoodsan ayaa dalbanaya in la siiyo mushaar iyo xuquuq kaga maqan Maamulka Dani ee Puntland oo dhawaan dhaqaale badan ku bixiyay sidii dob loogu dooran lahaa, waxeyna sheegeen in lasiiyo xuquuqda ka maqan Saraakiisha Hormuudka u ah Xoogagaan si ay u banneeyaan kontaroolka isla markaana u furaan Wadada laamiga ah.

Dhanka kale, Hey’adaha Amaanka Galmudug ayaa ku guulaystay iney dib u soo celiyaan gaari laga dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo dhanka Puntland, Gaarigaan oo noociisu ahaa xaabsade ayaa laga dhacay nin magaciisa lagu sheegay Faarax Cabdullaahi Cigaal.

301100cookie-checkXoogag Hubeysan Oo Gadoosan oo Qabsaday Bar Ilaalo oo Waqooyiga Gaalkacyo Ku Taal..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com