Kulan Ay Yeesheen Hogaanka Xisbiyada Iyo Duubabka

Somalia news

Waxaa Kulan balaaran ku yeesha Magaalada Muqdisho, Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Hoggaanka dhaqanka Beesha Mudulood, Kulankaan ayaa diirada lagu saaray xaaladaha cakiran ee Doorashada, Amniga iyo Qodobo kale…

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynihi hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihi hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa Kulan gaar ah kula yeeshay xarunta Madasha XQ Hoggaanka Dhaqanka Beesha Mudullood gaar ahaan Imaam Maxamed Yuusuf Cali Iimaan iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle.

Kulankan ayaa loagu Falanqeeyayaasha shirka beesha Mudullood ee 13-ka Luuliyo lagu qabanaayo Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu wado in looga dhawaaqo Go’aano waxtar u leh Beelaha Mudulood oo saammeyn wanaagsan ku yeelan doona aayaha beesha iyo degganaanshiyaha magalada Muqdisho.

Shirka ayaa ku soo gababgaboobay jawi farxad leh iyo in laga wada shaqeeyo nabadda iyo danaha guud ee dadka.

46600cookie-checkKulan Ay Yeesheen Hogaanka Xisbiyada Iyo Duubabka