Kulan Ka Dhacay Nairobi..

Uncategorized

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya kulan qarsoodi ah oo Magaalada Nairobi ay ku yeesheen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Madaxa Hey’adda Nabad
sugida adeege Fahad Yaasiin.

Xogtaan ayaa Aarka Diinah blogs u sheegay in Axmed Madoobe iyo Adeege Fahad kulankooda diirada lagu saaray khilaafka hareeyay Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka, iyo abaabulka colaadeed ee laga Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.

Kulankan oo uu codsaday Adeege Fahad oo wakiil ka ah Mr.Farmaajo ayaa ujeedka laga leeyahay lagu sheegay inuu yahay sidii mudada yar ee Maamulka u harsan ay helaan maamul goboleedyo kala shaqeeya rabitaankeeda 2020-ka oo ah in doorasho loo dhan yahay dalka ay ka dhacdo.

Khilaafka Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa sii xoogeysanaya marba marka ka dambeyso,waxaana arrintaas sii fogeyneysaa adeegyadii muhiimka ah ee dadweynaha.

14590cookie-checkKulan Ka Dhacay Nairobi..