Rooble Oo Fasaxay Dhaqaale Laga Xayiray Maamulka Somaliland

Somalia news

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Dollar) oo ku jirta xisaabta DFS, taasoo ah deeq caalami ah oo loogu talo-galay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa…

Khabiiro arrimaha gudaha ayaa sheegay in Mr.Rooble uu dhibco badan ayuu ku qaatay inuu fasaxay lacagtii Somaliland laga xayiray 2018 ee qeybta ka aheyd deeqdii caalamka ka timid.

iyadoo Dowladda Federaalka & Ganacsatada Soomaaliyeed ee Magaalada Mogadishu ay ku deeqeen, 5-Millions US$, waxeyna sheegeen ineysan dadaalkooda uu halkaasi ku ekaan doonin, Mr.Rooble ayaa ka codsaday Qeybaha kale ee Shacbiga Soomaaliyeed iney kaalintooda ka qaataan gurmadka Walaalaha Waqooyiga.

Yaa eeddaasi lahaa in deeqihii Caalamka ka imaanayay in laga horjoogsado loona diiday Somaliland, hadaba ma laga yabaa in loo Maxkamadeeyo ku takri falka awooda Xafiisyada.

Farmaajo?

Kheyre?

Beyle?

Jamaal?

Qoraalkii lagu joojiyay dhaqaalaha fadlan hoos ka fiiri:-

179490cookie-checkRooble Oo Fasaxay Dhaqaale Laga Xayiray Maamulka Somaliland